Participant Information Sheet (Somali)

Att 29_Somali Participant Info Sheet_May23.docx

[NCBDDD] Population-based Surveillance of Outcomes, Needs, and Well-being of Children and Adolescents with Congenital Heart Defects

Participant Information Sheet (Somali)

OMB: 0920-1382

Document [docx]
Download: docx | pdf





Xaashida Macluumaadka ee Ka-qaybqaataha

Xog-ururinta Xanuunada Wadnaha ee Lagu Dhasho Si loo Aqoonsado Natiijooyinka, Baahiyaha, iyo Fayoobaanta CARRUURTA (CHSTRONG-KIDS)


URURADA KA MAS’UULKA AH:

Minnesota Waaxda Caafimaadka ee Minnesota,Waaxda Caafimaadka Dadweynaha Massachusetts, Dugsiga Caafimaadka Dadweynaha ee Jaamacadda Boston, iyo Xarunta Qaranka ee Cilladaha Dhalmada iyo Naafada Koriinka, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC).


UJEEDDADA:

Dadka ku dhasha xaaladaha wadnaha waxay nool yihiin waqti dheer sababtoo ah daryeelka wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wax yar ayaa laga ogyahay nolol maalmeedka carruurta ku dhasha xaaladaha wadnaha. Haddaba, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota iyo CDC waxay ka codsanaysaa waalidiinta ama daryeelayaasha carruurta ku dhalatay xaalad wadno-xannuun inay dhammaystiraan xog-ururin kooban. Xog-ururintan waxay ku weydiinaysaa su'aalo ku saabsan sida ilmahaagu u heli karo daryeel iyo tayada nolosha iyo sidoo kale baahiyahaaga iyo khibradahaaga daryeel bixiye ahaan. Jawaabahaagu waxa laga yaabaa inay caawiyaan in la ogaado baahiyaha aan la daboolin ee carruurta ku dhasha xaaladaha wadnaha iyo daryeelayaashooda. Macluumaadkani waxa kale oo laga yaabaa inuu ka caawiyo qoysaska haysta carruurta qaba xaaladaha wadnaha inay qorsheeyaan mustaqbalka.

HABRAACYADA:

Dhammaystirka xog-ururinta adiga ayay kugu xiran tahay. Waxba ma dhici doonaan haddii aad go'aansato inaadan dhammaystirin xog-ururinta. Haddii aad go'aansato inaad ka qaybqaadato xog-ururintan, buuxi ra'yi ururinta oo dib ugu soo dir baqshadda lacagta lagu shubo ama waxaad iskaan saari kartaa koodka QR ee la bixiyay si aad onlayn ugu buuxiso xog-ururinta. Waxaanu qaadan doonaa soo celintaada xog-ururinta la dhammaystiray iyadoo oggolaanshahaaga qayb ka yahay mashruucan. Xog-ururinta waxay qaadan doontaa ilaa 20 daqiiqo, laakiin wakhtiga saxda ahi waxay ku xidhan tahay jawaabahaaga. Way ku caawin lahayd haddii aad dhammaystirto xog-ururinta oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waad diidi kartaa inaad ka jawaabto su'aal kasta oo waad joojin kartaa wakhti kasta.


KHATARAHA:

Ma jiraan khataro la og yahay oo ku wajahan dhammaystirka xog-ururintan. Haddii aadan rabin inaad ka jawaabto su'aal, ma aha inaad ka jawaabto. Dhammaan macluumaadka shakhsiyeed (magaca, taariikhda dhalashada, ciwaanka, iyo ciwaanka iimaylka) waxa loo xafidi doonaa si gaar ah waxaana loo kaydin doonaa si ka duwan jawaabaha xog-ururinta ee kale.


DHEEFAHA:

Ma jirto wax faa’iido ah oo aad ku helayso dhammaystirka xog-ururintan, laakiin jawaabahaagu waxay muhiim u yihiin carruurta ku dhasha xaaladaha wadnaha iyo qoysaskooda. Xog-ururinta ayaa laga yaabaa inay caawiso in la ogaado baahiyaha aan la daboolin ee carruurta ku dhasha xaaladaha wadnaha iyo daryeelayaashooda. Intaa waxaa dheer, macluumaadkan ayaa laga yaabaa inay ka caawiyaan qoysaska haysta carruurta ku dhalatay xaaladaha wadnaha inay qorsheeyaan mustaqbalka. Waxaanu kula wadaagi doonaa waxa aan ka baranno shirarka iyo warbixinnada. Marna ma wadaagi doono macluumaadka lagu aqoonsan karo.


QARSOONAANTA:

Waxaan la xiriireynaa waalidiinta ama daryeelayaasha carruurta ku dhashay xaalad wadne xanuun. Xog-ururinta, waxaanu ku waydiisanaynaa ciwaanka iimaylka haddii aad xiisaynayso inaad hesho wararka cusub ee mustaqbalka. Waxaad diidi kartaa in dib lagula soo xiriiro hadda ama wakhti kasta mustaqbalka.

Dhammaan jawaabaha aad bixiso waxa lagu xafidi doonaa si qarsoon ilaa inta ay oggol yihiin sharciyada federaalka [Xeerka Qarsoodiga ee 1974(5 U.S.C. § 552a)]. Sharciyadani kama horjoogsanayaan shaqaalaha mashruuca inay ka warbixiyaan macluumaadka loo baahan yahay si loo qiimeeyo ama loo baaro mashruuca.

Xog-ururintaada waxaan ku meelayn doonaa lambar. Kaliya shaqaalaha mashruuca qaarkood ayaa heli doona magacaaga iyo macluumaadka cinwaankaaga. Jawaabahaaga su'aalaha xog-ururinta midkoodna laguma xiriirin doono magacaaga ama cinwaankaaga. Haddii aad doorato inaad ku bixiso ciwaanka iimaylka xog-ururinta, waxaanu ku kaydin doonaa ciwaanka iimaylka si ka duwan inta kale ee jawaabaha xog-ururinta. Warbixinnada, jawaabahaaga waxaa lagu dari doonaa jawaabaha qof kasta oo kale oo ka qaybqaatay xog-ururinta.


KHARASHYADA/MAGDHAWGA:

Waxaanu ognahay in wakhtigaagu uu qiimo leeyahay. Mahadsanid ahaan, waxa aanu kugu darnay kaadhka hadyada $5.00 ee xidhmadan xog-ururinta ah. Fadlan hayso kaadhka hadiyadda, haddii aad dhammaystirtay xog-ururinta iyo haddii kaleba. Haddii aad dooratid inaad ku soo celiso xog-ururintaada aad dhammaystirtay boostada ama aad ku buuxiso onlayn, waxaanu kuu soo diri doonaa kaadh hadiyadeed oo kale oo qiimahiisu yahay $20.00 si aanu kaaga mahadnaqno wakhtiga iyo dadaalka dheeraadka ah.


XAQA IN LA DIIDO AMA LAGA NOQDO:

Ka qaybgalkaaga xog-ururintan adiga ayay kugu xidhan tahay. Waxba dhici maayaan haddii aad go'aansato inaadan ka qayb qaadan. Waad diidi kartaa inaad ka jawaabto su'aal kasta oo waad joojin kartaa wakhti kasta. Haddii wakhti kasta aad rabto in jawaabaha xog-ururinta la baabiiyo ama laga saaro mashruuca, fadlan wac [site email] ama iimayl u dir [site email]



Haddii aad qabto su’aalo, fadlan la xiriir:

Isu-duwaha Mashruuca CHSTRONG-KIDS

[site email] or [site phone number]


IHaddii aad hayso su'aalo ku saabsan xuquuqdaada ka qaybqaataha mashruucan, fadlan kala xidhiidh Xafiiska CDC ee Ku Xigeenka Agaasimaha Sayniska ee 1-800-584-8814. U dhaaf fariin uu ku jiro magacaaga, taleefoon lambarkaaga, oo tixraac Project ID 0900f3eb81e181e3, qof ayaa ku soo wici doonaa sida ugu dhaqsaha badan.

Page 2 of 2

File Typeapplication/vnd.openxmlformats-officedocument.wordprocessingml.document
File Modified0000-00-00
File Created2023-08-26

© 2024 OMB.report | Privacy Policy